Muuse Biixi oo gardaro ku tilmaamey xuska 26 juun looga dabaaldegayo magalada muqdisho

0
105

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa gardaro aan loo dulqadan karin ku tilmamay in dowlada Soomaaliya xusto 26 Juun.

Madaxweynaha ahaa sheegay in ay meel kadhac tahay in la yidhaa 26 Juuni baa Xamar laga xusayaa.

“Maanta Xamar waxay leedahay waxanu u debbaal dagayna goboladi waqooyi xoriyadoodi, anuu meel kadhac kawayn iyo gardaro inta ka badan garan maayo” ayuu yidhi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu la yaaban yahay dadka reer Somaliland ee ka qayb gala munaasibada 26 Juun ee Muqdisho lagu qabto.