Wefdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha maamulka jubaland oo muqdisho gaaray

0
91

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ujeedka safarka madaxweyne Axmed Madoobe uu ku tagay magaalada Muqdisho ayaa ah ka qeybgalka casuumaad shirka golaha wadatashiga qaranka oo uu iclaamiyay Raysal wasaaraha Soomaaliya, kaasoo lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale shalay magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen, waxaana sidoo kale saacadaha soo socda la filayaa inay magalada Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha dowlad goboledyada kale ee Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland.