Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta Galmudug oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo saaka ka dhacay degaanka Wisil ee koonfurta gobolka Mudug.
Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku billowday qarax is-miidaamin ah oo loo aadeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ku qaadeen saldhigyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Galmudug ay ku leeyihiin deegaankaasi oo u dhexeeyo Hobyo iyo Gaalkacyo.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib uu xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac.
Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi waxa ay shaacisay inay ku dishay illaa 34 askari oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka qeybtooda 21-aad ee ku sugan halkaas.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in muddo kooban ay wareegtay gacan ku heynta deegaanka Wisil, sida ay hadalka u dhigtay.
Dhankooda saraakiil u hadashay ciidamada dowladdda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxdaasi, isla-markaana ay dib ugu noqdeen deegaanka Wisil.