Gudoomiyaha aqalka sare oo maanta kula la qaatey madaxweynaha maamulka jubaland

0
112

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa waxaa uu Maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada muqdisho.

Labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii loo dardar galin lahaa dadaalada loogu jiro qabsoomida Doorashooyinka Baarlamaanka iyo iyo tan Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam dadaalada uu gelinayo sidii dalkaan uga dhici laheyd dooraso oo dhan yahay.