Maxkamad ka howlgasha Puntland ayaa Saaka oo Axad ah waxay Gaalkacyo ku toogatay 18 xubnood oo horey Maxkamadda ciidamada Puntland ay ugu xukuntay dil, kadib markii lagu helay in ay katirsan yihiin Al-shabaab.
Sidoo kale, Magaalada Garoowe waxa saaka iyaguna lagu toogtay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaas oo lagu hayay xabsiga weyn ee Garoowe, halka magaalada Qardho lagu toogtay hal xubin oo Shabaab ah.
Gudoomiyaha Maxkamada Darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida Puntland G/sare C/llaahi Shire Maxamed ayaa toogashada kadib saxaafada la hadlay isagoo ku sugnaa goobtii lagu toogtay Gaalkacyo 18 xubnood.
Waa markii ugu horeysay oo tiro intaan la eg oo Al Shabaab katirsanaa lagu dilo deegaanada Puntland maxkamadna ay xukun dil ah ku fuliso.