Kooxda Alshabaab ayaa meel fagaare ah ku toogatay lix qof oo ay haweenay ku jirtay oo lagu eedeeyay in basaasiin u ahaayeen sirdoonka Maraykanka, sida lagu sheegay bayaan kooxda kasoo baxay.
Toogashadan ayaa ka dhacday degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe halkaas oo ay isugusoo baxeen boqolaal dadweyne oo usoo daawasho tagay xukunka lagu fulinayay dadkan.
Alshabaab waxay sheegtay in ay dadkan kasoo qabteen deegaanka Kuunyo Barroow halkaas oo sanadadii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen duqeymo ay geysanayeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.
Qaadiga Maxkamadda Jubbooyinka oo goob fagaare ah ka akhrinayay xukunka ayaa sheegay in dhammaantood ay qirteen waxyaabaha lagusoo eedeeyay oo ahaa in ay indha u ahaayeen diyaaradaha Mareykanka.
Dadka Alshabaab xukunka dilka ku fuliyeen ayaa lagu kala magacaabaa, Cumar Cabdul Qaadir Hiiraale, 36 jir, Cabdi Xasan Axmed, 29 sano jir ah, Fartuun Cumar Abkow, 36 sano jir iyo Ibraahim Cumar Cali, 55 sano jir ah.