Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.
Warsaxaafadeed kooban oo kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha ayaa lagu sheegay, in madaxweyne Cali Guudlaawe uu shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM.
Hirshabeelle ayaa maalintii shalay sheegtay in aysan qeyb ka ahayn shirka golaha wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Maamulka Hirshabeelle wuxuu diidmadiisa sabab uga dhigay in aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii kasoo baxana aysan noqon doonin wax quseeya maamulkooda.