Urur goboleedka igad oo fariin u direy somaliya iyo kenya

0
190

Urur goboleedka IGAD ayaa ka codsaday dowladaha Soomaaliya iyo Kenya in doorashadooda soo socota ay u qabsoonto si habsami iyo nabad ah.

Golaha Wasiirrada IGAD waxay ugu baaqeen Soomaaliya iyo Kenya in ay si isku mid ah u qabtaan doorashooyin nabdoon oo nidaamsan sida ku xusan jadwalka doorashadooda.

IGAD waxay bogaadiyeen Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, madaxda shanta maamul-goboleed is afgaradkii lagu soo afjaray khilaafkii muddada dheer soo jiitamayey isla markaana dejiyey khariidad loo maro doorashooyinka soo socda.