Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun waxaa maanta magaalada muqdisho ku geeryoodey alaha u naxariistee Sheekh Shariif Aadan oo maanlmihii ugu dambeysay ku xanuunsanaa magalada muqdisho.
Hadeynu nahay bahda Daafeed Media waxaan halka tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa dhamaan beelaha shanta caleemood gaar ahaan beesha jambauul, waxaan kaloo tacsi taa la mid ah halkan uga direynaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeryoodey Sheekh Aadan oo runtii ahaa shaqsi in mudo ahba ka shaqeynayey wanaaga iyo isku xernaanta bulsho weynta ku dhaqan degmada walaweyn.
Waxaanu ilaahay uga beryeynaa inuu janadii fardowsa ka waraabiyo qabrigiisana waasac ilaahay uga dhigo ehaladii iyo qaraabadii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ilaahay ka siiyo amiin amiin.