Wasiir Beyle oo ka hadley sababta loo istaajiyey lacagihii beesha caalamka ku kabi jirey miisaniyada

0
125

Wasiirka maaliyadda dowladda federalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyla ayaa beeniyay in khilaafyadii siyaasadeed ee hareeyay doorashooyinka Soomaaliya ay sabab u yihiin, hakinta lacago caalamku ku kabi jiray miisaaniyadda dalka.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay sababta Soomaaliya looga joojiyay kabkaas miisaaniyadeed in ay tahay, si looga hortago in dhaqalahaas loo adeegsado siyaabo kale oo dalka u horseedi bara dhibaato iyo burbur.

Wasiir Bayle wuxuu sheegay in Soomaaliya kabistaas miisaaniyadeed laga hakiyay lix bilood ka hor xilligii doorashadu qabsoomi lahayd, isagoo tilmaamay in dib loosoo celin doono marka dowlad cusub ay timaado.

Dhaqaalaha lagu Kabo miisaaniyadda dalka oo ay Soomaaliya ka heli jirtay bankiga horumarinta Afrika, bankiga adduunka, hay’adda lacagta iyo dalal reer Yurub ah, ayay dowladdu ku bixin jirtay kabista mushaaraadka shaqaalaha dowladda, ciidamada iyo raashinkooda.