Dowlada mareykanka oo cadeysay in ciidankii somaliya ay u dirtey eritrea ay gudaha u galeen itoobiya

0
194

Ciidamo Soomaaliya ay u dirtay Eritrea ayaa gudaha u galay dalka Itoobiya, sida uu sheegay Robert F. Godec, oo ah sii hayaha ku xigeenka xoghayaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Mareykanka.

Robert F. Godec, ayaa hadalkaan sheegay kadib markii Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ay weydiisay waxa ka jira ku lug lahaanshaha la sheegay in ciidamo Soomaali ah ay ka qeyb galeen dagaalka Tigray.

Warbixin dhowaan ka soo baxday Hay’adda Xuquuqda Addanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ciidamo ka socday Soomaaliya oo tababar ku qaadanayay Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalka waqooyiga Itoobiya.

Dowladda Soomaliya ayaa bishii January beenisay in ciidamo Soomaali ah oo tababar u joogay Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Tigray.