Gudoomiyaha cusub ee degmada walaweyn oo bilaabay howlgalo isbaaro qaadis ah

0
178

Gudoomiyaha cusub ee dhawaan loosoo magacaabay degmada walaweyne Ismaaciil sheekh abuukar ayaa degmada ka bilaabay howlago isbaaro qaadis ah taasoo ay soo dhaweeyeen shacabka degmada walaweyn.

Howlgaladan isbaaro qadista ah ayaa waxaa ay socotaa malintii seddexaad, wararka aynu ka heleyno degmada ayaa waxaa ay sheegayaan in dhowr isbaaro oo ay horey isugu heysteen qaar ka tirsan masuuliyiintii hore hada la qaadey kuwa kalana lagu daba jiro.

Maamukan cusub ee loosoo magacabay degmada ayaad moodaa mid dardar gelinaya baahinda shacabka degmada walaweyn oo in mudo ahba ku dhex jirey isqabqasi siyaasiyeed oo salka ku hayey sidii dhaqaale shaqsi walba uu u sameyn lahaa taasoo dib u dhac weyn u keentey degmada.

Si kastaba arintu ha ahaatee dadaalka uu wado gudoomiyaha ayaa noqon kara mid soo celiya midnimada shacabka degmada taasoo kor u qaadi karta kalsoonida ay shacabkaku qabaan mamaulkooda.