Xukuumada oo ka hadashay xiisada ka taagan degmada baledweyne

0
133

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Baaq nabadeed u diray Bulshada Reer Baladwayne, kaas oo ku aadan xiisada u dhaxeysa Ciidamada Ammaanka iyo maleeshiyaadka janeraal Xuud.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa lagu sheegay in Bulshada Reer Beledweyne looga baahan yahay inay tabashadooda si nabad ah ku sheegtaan oo ay ka fogaadaan waxkasta oo xasilooni darro keeni kara.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay socdaan dadaalo wax looga qabanayo xaalada ka taagan beledweyne si jawi nabadeed loogu wada hadlo.