Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa si rasmi u shaaciyay doorashada kuraasta Xildhibaanada labada Aqal ee dowladda Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay magaalada Baledweyne iney ku xiran tahay inuu magaalada Baledweyne yimaado madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.
Yuusuf Dabageed ayaa u sababeeyay doorashada Baledweyne ka dhici doonta inuu saxiixeeda leeyahay madaxweynaha Hirshabeelle hadii ay dhici waysana aysan doorasho ka dhici kareen magaalada Baledweyne.
Yuusuf Dabageed ayaa sidoo kale wacad ku maray in Hirshabeelle dhismaheeda aanan waxba laga badeli doonin, hadii qof la badalayana uu noqon doono qof dhintay kaliya in booskiisa la badalo.
Hadalka madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ayaa imaanaya xili warar hoose oo soo baxayay ay sheegayaan in kuraasta doorashada labada aqal ee Baledweyne taalo la qorsheynaayo in loo wareejiyo magaalada.