Wakiilka qaramada midoobey ee somaliya oo kenya kala hadley aminiga geeska afrika

0
88

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa Magaalada Nairobi waxaa uu kulan kula qaatay Xoghayaha arrimaha difaaca dalka Kenya, Monica Juma.

Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen xaalada amni ee dalalka Geeska Afrika gar ahaan Soomaaliya maadaama dowladda Kenya ay Ciidamo farabadan ka joogan meelo kamid ah Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha difaaca dalka Kenya, Monica Juma oo qoraal soo dhigtay Barteeda twitterka ayaa sheegtay in Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ay is dhaafsadeen qaababka loo xoojin karo iskaashiga amniga gobolka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa dhawaan socdal ku tegay qaar kamid ah dalalka Carbeed ee saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya gar ahaan Sacuudiga & Imaaraadka, isaga oo kala hadlay arrimaha amniga & doorashada Somaaliya.