Madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo ogolaadey in laga hadlo qodobada la diidan yahay

0
53

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ayaa oggolaaday in laga wada hadlo qodobbada ay cabshada iyo diidmada ay Midowga Musharrixiinta ka keeneen habraacii doorashada Golaha Shacabka.

Oggolaanshan ayaa ka dambeeyay kaddib markii ay xalay kulan Muqdisho kuwada qaateen madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo musharraxiinta, iyadoo markii dambena uu kusoo biiray raysal wasaaraha.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay in guddi gaar ah oo labada dhinac ah loo saaray sidii turxaan bixin loogu sameyn lahaa walaaca musharraxiintu ka muujiyeen habraaca doorashada.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay in ay ka cabanayaan culaysyo badan oo la dulsaaray ergooyinka, sida qarashka isdiiwaan galinta ergooyinka iyo hubinta xagga amniga oo uu sheegay in ay shaki abuurayso.