Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ballaaran oo ay dhigeen shacabka iyo maamulka magaaladaasi, kuwaas oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee ku yaalla halkaasi.
Dibad-baxa ayaa waxaa looga soo horjeeday kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale ka qeyb-galay maamulka degmada, wasiiro iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale dibad-baxan ayaa waxaa lagu taageerayey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ka wadaan koonfurta Mudug.
Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay garab taagan yihiin ciidamada huwanta ee dagaalka ka wada deegaanada maamulka Galmudug.