56 sarkaal oo ka tirsan Booliska Muul Goboleedka Hirshabelle ayaa qaatay tababar soconayay muddo shan maalmood ah oo ku saabsan maareynta nidaamka Dadweynaha.
Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa laga soo kala xulay saldhigyada kala duwan ee booliska magaalada Jowhar waxaana ku jiray 15 sarkaal oo haween ah.
Tababarkan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamul Goboleedka Hirshabelle iyo qeybta Booliska ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa diiradda lagu saaray xakameynta dadka, maareynta rabshadaha iyo bannaanbaxyada.
Taageerada hawlgalka Booliska AMISOM ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ah la -talin iyo tababar si looga caawiyo dhisidda awoodda ay ku maareyso sharciga iyo kala dambeynta dalka iyo gudashada waajibaadkeeda heerarka caalamiga ah.
Maxamed Axmed Kulmiye, Isuduwaha Amniga ee Xafiiska Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle, ayaa sheegay in tababarada noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin hagaajinta xaaladda amniga guud ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Muuse Yussuf Dhuxulow, Taliyaha Saldhigga Booliska Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar, ayaa rajo ka muujiyay in tababarkan uu sare u qaadi doono waxqabadkii fulinta sharciga iyo kala dambeynta.