Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo maamulka degmada Yaaqshiid oo iskaashanaya ayaa xalay howl-gal qorsheysan ka sameeyey xaafado ka tirsan degmadaasi, kaas oo lagu xaqiijinayey amniga Yaaqshiid.
Saraakiisha horkaceysay howl-galka ayaa sheegay inay ku baxeen kooxo burcad ah oo cabasho ay kasoo gudbiyeen dadka deegaanka, isla-markaana ay gacanta kusoo dhigeen.
Ragga la soo qbatay oo afar ah, isla-markaana hubeysnaa ayaa lagu raadjoogay maalmihii lasoo dhaafay, kadib cabasho ay kasoo gudbiyeen shacabka ku dhaqan halkaasi.
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif oo la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in raggan ay ahaayeen burcad dhac u geysaneysay shacabka, isla-markaana ay u sii gudbin doonaan hay’adaha ku shaqada leh, si maxkamad loo soo taago.
Sidoo kale wuuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, si looga hortego amni darrada.