Wasiirka warfaafinta ee maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa beeniyay wararka sheegaya in ururka Alshabaab ay dib ula wareegeen deegaannada Camaara iyo Bacaadweyne ee koonfurta gobolka Mudug.
Wasiirka warfaafinta oo BBC Somali wareysi siinayay, ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa dacaayad ah oo Alshabaab ugu talo galeen in ay ku niyad jabiyaan shacabka Galmudug iyo dedaalada socda.
Axmed Shire Falagle wuxuu sheegay in aanay jirin sabab ay ciidamada Galmudug ugasoo baxaan magaalooyinka ay qabsadeen islamarkaana wuxuu tilmamaay in ay hadda ku howlan yihiin sidii ay ciidamadu horay ugu socon lahaayeen.
Maalintii shalay, baraha internetka ee faafiya wararka kooxda Alshabab ayaa lagu sheegay in kooxdu dib ula wareegtay magaalooyinka Camaara, Bacaadweyne, Qeycad iyo Shabeelow.