Odayaasha gobolka mudug ee puntland oo dani ku eedeeyey boob uu ku wado kuraasta baarlamaanka

0
126

Odayaasha dhaqanka gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid deni, inuu boob aan loo meel dayin kula kacay doorkii ay beeluhu ku lahaayeen doorashada aqalka sare iyo tan aqalka hoose.

Kulan ay odayaashu ku yeesheen magaaalda Gaalkacyo waxay ku sheegeen in aanay aqbali doonin in dowladdu sidii ay doonto ay ka yeesho doorashada soo socoto ee aqalka hoose, waxayna farriin u direen raysal wasaaraha.

Odayaasha waxay sheegeen in ay isku raaceen in doorashada xubnaha aqalka hoose ee kasoo galaya gobolka Mudug lagu qabto magaalada Gaalkacyo, si looga hortago waxay ugu yeereen shakiga ku saabsan in boob loo geysto doorashada.

Waxay odayaashu taageereen hab-raacii hore ee kasoo baxay guddiga heer federal ee doorashooyinka, iyagoo sheegay in hab-raacaas uu ilaalinayay kaalinta odayaasha dhaqanku ku leeyihiin doorashada aqalka hoose.