Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ayaa kulamo siyaasadeed ka bilaabay gudaha magaaladaasi oo ah caasimada wadanka Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in Saciid Deni oo shalay gaaray gudaha Nairobi uu dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka bilaabay halkaasi, kadib shirkii wada-tashiga ee magaalada Muqdisho.
Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxa uu la leeyahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee fadhigooda yahay Kenya iyo saaxibada caalamiga ah ee ay leedahay Soomaaliya.
Ujeedka kulamada uu Deni wado ayaa ah kuwa uu ugu xusul doobayo doorashooyinka soo socda, si uu galaan-gal xoogan ugu yeesha doorashada heer federaal, inkastoo warar hore usoo baxay ay shaaciyeen inay ‘suuragal tahay inuu isku soo taago xilka madaxweynaha’.