Somaliland ayaa ogolaatay in ay qaabisho qaxootiga ka imanaya Afgaanistaan, sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sheegay Jimcihii, iyada oo tobanaan kun oo qof ay si aad ah uga qaxayaan dalka afgaanistan ka dib markii ay Taliban qabsadeen horaantii bishan.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa sheegay in Hargeysa ay wadahadallo la gashay mas’uuliyiinta Mareykanka oo ku saabsan si kumeel gaar ah u martigelinta qaxootiga Afgaanistaan.
Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale Uganda kala xaajoonaysay qaabilaadda qaxootiga. Arbacadii, diyaarad u kireysneyd oo siday 51 reer Afgaanistaan ah – oo isugu jira rag, haween iyo carruur – ayaa ka degtay waddanka ku yaal Bariga Afrika.
Daadgureynta ayaa jawaab u ahayd codsi ka yimid Washington oo ahaa inay si ku meel gaar ah u martigeliso “dadka halista ku jira” muwaadiniinta Afgaanistaan ee ku sii jeedda Mareykanka iyo meelaha kale ee adduunka oo dhan, ayay tiri wasaaradda arrimaha dibedda Uganda.