Ciidamada talabaan oo la wareegay gacan ku heynta airporka kaabuul

0
155

Waxaa garoonka diyaarada magaalada Kabul ee dalka Afgnistan la wareegay Dagaalyahanada Taalibaan kadib markii ay ka baxeen ciidamadii Mareykanka iyo kuwii shisheeye ee halkaasi joogay 20-kii sano ee ugu dambeysay.

Saraakiil sar sare oo katirsan Taalibaan ayaa saakay booqday garoonka diyaaradaha Hamid Karzai oo amaankeeda la wareegeen, waxaana saraakiisha la hadleen ciidamada Taalibaan ee sugaya amaanka garoonka diyaaradaha.

Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka Hamid Karzai ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidanka shisheeye dalka Afganistan ay tahay guul taariikhi ah .

Waxa uu sheegay Afhayeenka Taalibaan in diyaar u yihiin in xiriir wanaagsan la yeeshaan dowlada Mareykanka iyo wadamada kale ee caalamka, waxa uuna cadeeyay in Taalibaan isbadal muuqda la imaan doonto.