Ku dhowaad afar qarni ka hor degaanka Afgooye waxaa ka talin jiray Saldanadii Ajuuraanka oo xukunkeeda gaarsiisnaa dhul aad u balaaran awood badana lahayd. Wakiilkii Saldanada Cumar Abroone iyo gabartiisa Faay Cumar waxay gaareen heer dadka degaanka aay ka gadaan biyaha wabiga. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin dhalinyarada degaanka ka mid ahaa oo qaadan waayey dulliga iyo xaqdarrada gabartii intuu labada lugood isugu dhuftay ka daadiyey galeeydii aay xaqdarrada uga urursaneysay shacabka masaakiinta ah ee wabiga biyaha ka dhaansanaayey. Markii aabaheed Cumar Abroone uu soo duulay si uu jawaabo uga bixiyo falkaas, dadka degaanka oo isku duuban ayaa la wada dagaalamay oo ka guuleystay. Taas waxay horseeday in uu meesha ka baxo xukunkoodii, waxaana la wareegay talada Saldanadii Geledi oo aay ku mideysnaayeen dhamaan qabaa’ilkii degaanka ku noolaa.
Waxaad moodaa in arrinta maanta ka taagan Afgooye aay meelo badan isaga mid yihiin arrintii dadka degaanka aay ka dhiidhiyeen afar qarni ka hor. Gabar la yiraahdo Ijaabo Mohamed Siyad Barre, oo aabaheed kali-talis ahaa ayaa la timid warqado aay ku sheeganeyso dhul dad leeyihiin iyadoo garab ka heleysa maxkamado iyo hey’ado musuqmaasuqa macaash ka raadiya. Dadka reer Afgooye oo ka daalay xaqdarrada joogtada ah ee lagu haayey lixdankii sanno ee ugu dambeeyey, tan iyo markii Soomaaliya aay xornimada qaadatay, ayaa yar iyo weyn, gudo iyo dibad, si xoog leh uga hor yimid.
Ijaabo Mohamed Siyad arrinta aay la timid ma ahan damac dhulboob oo kaliya ee waa fidno iyo fasahaad bulsho iyo macaahid. Haddii aay ku guuleysan lahayd waxay saameyn xun ku yeelan lahayd bulshada. Musuqmaasuqa waxuu sida aboorka oo kale u baabiyaa jiridda aay ku taagan tahay bulshada. Go’aan maxkamaddii ugu sareysay ee dalka aay gaartay 2015kii oo dhulka loogu xukmiyey dadkii lahaa ayeey si baadilnimo ah oo iimaan darro ah ugu doodeysay in markale iyada loo xukumay 2017kii.
Madaxda dowladda hadda jirto ee heer federaal iyo maamul-goboleedba waxay doorteen in aay si hoose u xaliyaan arrintaan fasahaadka iyo xaqdarrada ah. Waxay ahayd in aay cod-dheer dadka ugu sheegaan arrintaan in aay fidno tahay oo aay sharciga mariyaan dhamaan dadkii gacanta ku lahaa si fidnada loo damiyo. Aamusnaantooda waxay meesha ka saareysaa wixii yaraa ee kalsooni ahaa ee aay shacabka ku qabeen maxkamadaha iyo madaxda dowladda
Inkastoo damacaas aan lagu guuleysan – shacabka oo ka dhiidhiyey iyo Allah oo gacan ku siiyey darteed – haddana fidnadaas waa taagan tahay ilaa dadkii ku howlanaa dambigaas weyn laga marsiiyo sharciga. Waana waxa wadanka fidnada uga dhamaan la’dahay.
Wixii Afgooye ka dhacay waa fashil ku yimi hey’adaha iyo madaxda dowladda. Laakiin, waa wax shacabka tusaale u noqon kara. Si aay fidnada u yaraato, dulmiga qofka Soomaaliga lagula kacaayo waa in bulshada oo dhan aay ka dhiidhiyaan oo diidaan, xaqana isuguu hiiliyaan.
Waxaa qoray:
Abdulkadir M. Abow
abow@idirect.com