Reysulwasaaraha oo ka hadley nidaamka loosoo xuli doono musharixiinta gobolada waqooyi

0
75

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka hadlay hanaanka loo soo xulayo liiska Musharaxiinta Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaaka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Sidoo kale Raysal wasaaraha Soomaliya ayaa sheegay inuu si cadaalad ku dheehan tahay u koontarooli doono howlaha doorashooyinka gobolada Waqooyi, islamarkaana ka dalbaday Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ka shaqeynta Cadaalada.

Rooble ayaa sidoo kale sheegay in qoondada Haweenka Soomaaliyeed ee horay loogu heshiiyay iney noqoto 30% iney tahay mid lama taabtaan ah, isagoona si gaar ah fulinta masuuliyadaas dusha kaga saaray guddiyada doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka.

Waxaa sidoo kale Raysal wasaaraha uu sheegay in cabasho ka timid xarunta dambi baarista ee CID ee ah in Musharaxiinta qaar walaac ka muujiyeen in isbaaro ahaan loogu adeegsado uu sheegay ineysan dhici doonin in shaqsi gaar ah lagu isbaareysto, balse ay daruuri tahay in qof waliba uu soo maro xarunta CID si loo hubiyo waxa uu yahay maadama dalka uu marayo meel adag.