Hogaamiyaha xisbiga wadajir oo ka jawaabay hadal aan sal laheyn oo kasoo yeeray hay’ada Nisa

0
47

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga falceliyay hadalka kasoo yeeray hay’adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed ee ahaa in Ikraan Tahliil ay dileen Al-sbabaab.

Siyaasiga ayaa sheegay in warka kasoo baxay NISA uusan aheyn mid maangal ah oo la qaadan karin in Al-shabaab ay ka dhex afduubtaan xarumaha dowladda saraakiil ka tirsan Nabadsugida Qaranka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay afar qodob oo uu sheegay in looga baahan yahay inuu sameeyo Raysal wasaare Rooble si ehalka Ikraan Tahliil iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga qancaan kiiska Ikraan Tahliil ayaa kala ahaa.

“Maadaama uu masuuliyada dalka, gaar ahaan Amniga uu masuul ka yahay, caawa indhaha Soomaalida oo dhami waxay ku jeedaan tillaabada uu qaado Raysalwasaare Rooble. Waxaan u soo jeedinayaa.

1- In uu la fariisto, jawaab u qalanta siiyo waalidka Ikraam Tahliil.
2- In uu badbaadiyo kalsoonida iyo aaminka lagu qabo Hay’adda Nabadsugidda.
3- Si taas u dhacdana waa in uu xilka ka qaado taliyaha Nabadsugidda, lana baaro kaalinta uu arrinkaan ku lahaa, lana xannibo dhaqdhaqaaqiisa inta uu baaritaanka socdo.
4- In Baaritaanka uu sameeyo guddi khubaro oo si toos ah xafiiska RW u hoos taga, si maalinle ahna ugu warbixiya.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.