Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamul Goboleedka Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Maanta oo Jimco ah shir gudoomiyey shirka Amniga Gobolka Mudug.
Shirkan oo ay ka qayb galeen Gudoomiyaha Gobolka Mudug Galmudug, Gudoomiyayaasha Magaalada Gaalkacyo Puntland iyo Galmudug, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug iyo Ku xigeenkiisa, Taliyaha aaga Ciidanka Daraawishta Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka, Nabadoono, Gamacsato iyo Gudoomiyayaasha Xaafadaha iyo Deegaasiimooyinka Magaalada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug.
Kulankan oo ku saabsanaa isbarasho iyo adkaynta wadashaqaynta Gudoomiyayaasha Xaafadaha Puntland iyo Galmudug, la shaqaynta Laamaha Amniga heer Gobol, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cadiladiif Muuse Nuur ayaa yiri “
Halkan saaka waxaynu ku qabanay shirkaan sidii aanu usii dar-dar galin lahayn howlaha adkaynta Amniga, isbarashada saaka waxay bilow utahay wada shaqaynta xaafadaha, Degmooyinka iyo Laamaha Amniga heer Gobol, oo aan doonayno inay joogto noqoto insha allaah “