Maamulka galmudug oo ka hadley ciidamo uga yimid maamulka puntland

0
51

Maamul Goboleedka Galmudug ayaa markii ugu horeysay I faah-faahsan uga hadlay ciidamo uga yimid Puntland oo dowladda maamulkaasi maalmo ka hor ay keentay gobalka Mudug.

Ciidamada oo aad u hubeysnaa ayaa lagu biiriyay kuwa Galmudug ee dagaalka kula jira Al shabaab, waxaana la wareegay taliska Militeriga ee dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiir ku-xigeenka amniga Galmudug Cabdullaahi Cabdisalaan oo la hadlay Wakaalada Wararka Reuters ayaa u sheegay in maamulka deriska yihiin ee Puntland ay ka dalbadeen inay Ciidamo badan usoo diraan, si qeyb uga noqdaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in sababta Ciidanka uga dalbadeen Puntland ay tahay inay khibad u lee yihiin la dagaalanka Al-shabaab, isla markaana ay doonayaan inay ka caawiyaan sidii dhulka Shabaab ka heysato Galmudug looga saari lahaa.