War kasoo baxay Taliska AMISOM qeybta Saddexaad ee ka socda Ciidanka Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in dhawaan ay Ciidamadooda ka tirsan AMISOM ka bixi doonaan Saldhigyada ay kaga sugan yihiin degmooyinka Buurdhuubo oo ka tirsan Gobolka Gedo iyo Qansaxdheere oo ka tirsan Gobolka Baay ee Maamulada Jubbaland & Koonfur Galbeed.
Qoraal kasoo baxay AMISOM oo loo diray Taliska Ciidanka xoogga dalka qeybta 60aad, Wasaaradda Gaashaandhigga, Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa lagu wargeliyay saldhiggyada ay Ciidanka ka socda Itoobiya ka baxayaan ee Sector 3, iyadoo ciidamada ka baxa Buurdhuubo iyo Qansax Dheere loo wareejin doono saldhigyada Ciidan ee Garbahaarey iyo Bardaale ee Gobolada Baay iyo Gedo.
Qoraalka AMISOM ayaa waxaa sidoo kale Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed loogu wargeliyay inay la wareegaan saldhigyada ciidanka ay ka baxayaan ee Buurdhuubo iyo Qansax Dheere ka hor 21 Bishaan aan kujirno ee September.