Guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ayaa soo saaray jadwal cusub oo la xariira doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo xubnaha ka haray Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddiga doorashooyinka ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in doorashada Aqalka sare loo qorsheeyay in lagu soo gabagabeeyo 18-ka bishan Septembar, islamarkaana 25-bishan laguda galayo diyaarinta iyo diiwaan gelinta guddiga soo xulaya ergooyinka iyo musharaxiinta Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya.