Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxa uuna si KMG ah Agaasimaha guud ee NISA ugu magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.
Gabagabadii Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida inuu baaro kiiska Ikraan Tahliil Faarax, isla markaana uu horgeeyo Maxkamadda awoodda u leh.