Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay magacaabis iyo xilka qaadis uu sameeyay madaxweyne Farmaajo.
Midowga Musharaxiinta ayaa ka horyimid talaabada uu madaxweyne Farmaajo uu xilka cusub ugu magacaabay taliyahii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin, kaasoo uu dhawaan xilkii hay’adda Nabadsugida uu ka qaaday Raysal wasaare Rooble
War qoraal ah oo kasoo baxay Musharaxiinta ayaa waxaa lagu cambaareeyay talaabada uu Farmaajo ugu magacaabay xilka cusub Fahad Yaasiin oo ay sheegeen iney tahay mid baal marsan sharciga, laguna carqaladeynayo howlaha doorashooyinka dalka.