Reysulwasaaraha oo farey taliyaha cusub ee nisa in uu xilka si deg deg ah ula wareego

0
111

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray qoraal jawaab u ah magacaabis iyo xilka qaadis uu xalay sameeyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War saxafadeedka xalay galinkii dambe kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Rooble ayaa marka hore waxaa lagu soo dhaweeyay aqbalaada uu madaxweyne Farmaajo aqbalay shaqo ka joojintii lagu sameeyay taliyahii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Raysal wasaaraha ayaa faray Agaasimaha guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya guud Bashiir Maxamed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, islamarkaana ku amray Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka inay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha cusub ee Hay’adda Sareeye guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Raysal wasaare Rooble ayaa markale faray Xeer ilaalinta iyo Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iney dardar geliyaan howlaha baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax si deg deg ahna loo horgeeyo Maxkamada awooda u leh qabashada kiiska Ikraan.

Gabagabadii War saxafadeedka Raysal wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in Rooble oo ku hadlaya magaca golaha wadatashiga Qaranka inuu shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka u xaqiijinaayo dardar gelinta howlaha doorashooyinka dalka oo meel wanaagsan maraayo, isagoona ku baaqay in loo midoobo sidii nabadgalyo loogu dhameystiri lahaa arrimaha doorashooyinka oo looga samata bixi lahaa wax walba oo caqabad keeni kara.