Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ah ee Twitter-ka ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-suggida Qaranka ayaa lagu sheegay in taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin uu xilka ku wareejiyay Gaashaanle Sare Yaasiin Farey oo uu xalay magacaabay madaxweyne Farmaajo.
Tallaabadan ayaa ah mid looga hortagayo isku dayga Ra’iisul Wasaaraha ee ku aadan in xilka uu kula wareego Agaasimaha Kumeel gaarka uu magacaabay Hey’adda NISA Sarreeye Guud Baahiir Goobe.
Warkan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xalay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Aqbalay is casilaad uu u soo gudbiyay Fahad Yaasiin, sidoo kalena uu si kumeel gar ah Agaasimaha Hay’adda NISA ugu Magacaabay Yaasiin Fareey, balse uu kasoo horjeestay Ra’iisul Wasaare Rooble.