Ciidamada ahlusuna oo isaga baxay degmda matabaan

0
181

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ay isaga baxeen guud ahaan degmada Matabaan, taas oo ay dhowaan la wareegeen, kadib markii ay ku soo rogaal celisay gobollada dhexe.

Ciidamada Ahlu Sunna oo wata gaadiidkooda dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inay saaka faarujiyeen xarumihii ay ku sugnaayeen ee gudaha degmada Matabaan, waxaana ay gaareen deegaan dhaca xadka kala qaybiya labada gobol ee Hiiraan iyo Galgaduud.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadu ay halkaasi ka sameysteen Kastam cusub oo ay gaadiidka uga qaadi doonaan lacago Canshuuro ah.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta ka dambeysa in Ahlu Sunna ay dib uga soo baxdo degmadaasi oo dhowaan ay si nabadoon kula wareegtay.