Ciidamo ka tirsan boliiska amisom oo la geeyey degmada baraawe iyo dhusamareb

0
117

Waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud & Degmada Baraawe ee gobolka shabelaha hoose la geeyay Ciidamo ka socda Booliska Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamadaan oo horay muqdisho loogu tababaray ayaa waxaa ay ka qeyb qaadan doonaan sugida Amniga Goobaha dhawaan ay ka billaabaneyso doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Dhawaan waxaa degmada Baraawe gaaray Xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal, kuwaas oo kormeer amni ku sameeyay Goobta loogu talo galay inay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka, waxaana Guddiga ay sheegeen in Baraawe noqon doonto goobta ugu horreeysa ee laga bilaabo doorashada Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Ciidamo ka socda Boolis AMISOM ayaa la geeyay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, kuwaas oo qeyb ka noqonaya sugida amniga doorashada Golaha Shacabka.