Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxay ku sheegeen iney walwal aad u weyn ka qabaan dib u dhaca doorshada iyo tafaraaruqa siyaasadeed ee ka jira dalka oo ay sheegeen in xaalad hubaanti la’aan dhanka doorashooyinka uu dalka galay.
Musharaxiinta ayaa qoraalka ay sida wadajirka ah u soo saareen waxay ku sheegeen in golaha midowga ay aad uga xun yihiin in markale dib u dhac ku yimaado markii sadaxaad jadwalkii doorashada ee horay la isugu raacay.
Qoraalka Golaha Musharaxiinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in bulshada Soomaaliyeed niyad jab iyo walaac ku abuurtay hubanti la’aanta dhanka doorashooyinka dalka, islamarkaana uu yaraaday maalgashiyadii caalamiga ahaa ee dalka.