Ciidamada ahlusuna oo isaga baxay deegaanka Ceeldheer

0
183

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ay isaga baxeen gudaha deegaanka Ceeldheere oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa u sheegay in ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda ay si nabadoon dib ula wareegeen deegaankaasi.

Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay fariisimo ka sameyteen duleedka deegaanka Ceeldheere, iyagoo halkaasi ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo cusub.

Dhaq-dhaqaaqyadan cusub ayaa kusoo aadaya, iyada oo xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Guriceel oo ay horay ula wareegtay Ahlu Sunna Waljamaaca.

Galmudug ayaa wadda abaabul xoogan, iyada oo qorsheyneyso in dagaal culus ay ku qaado ciidamada Ahlu Sunna, si looga saaro deegaanada maamulkaasi.