Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed oo kulan la qaatey Xasan Sheekh Maxamuud

0
125

Madaxweynaha maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa habeenkii xaley hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku Booqday Madaxweynihii hore ee Dalka ahna Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ay wada yeesheen labada masuul ayaa waxaa ay diirada ku saarayeen guud ahaan xaalada maanta uu dalka ku sugan yahay iyo weliba arimaha doorashooyinka dalka oo sida muuqata uu dib u dhac weynku yimid.

Kulankan ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xilli Maanta Midowga Musharixiinta dib u dhaca doorashada ay ku eedeeyeen Golaha wadatashiga Qaran oo uu kamid yahay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.