Reyslwasaare Rooble oo umada somaaliyeed uga hambalyeeyey maalinta calanka

0
115

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor.

“Waxaan Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeynayaa maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor.

Calankeenna ha sarreeyo, gobannimada Soomaaliyeed ha waarto. Gallad waxaan u haynaa geesiyadii u soo halgamay difaaca Calanka iyo Ciidda.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Si kastaba ha ahaatee calanka somalya ayaa u muuqda mid sharaftiisa iyo karaamadiisa ay hoos u dhacdey kolka loo eego calamada maamul xaafadeedka oo reer walba ay lulayaan calanka maamulkoda midka somali weyna la xuso maanta oo kale.