Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo la hadley warbaahinta ayaa sheegay in abaaro iyo xanuuno aan la garanaynin ay soo food saareen qeybo kamid ah deegaanada Jubaland.
Madaxweynaha ayaa sheegay dhbaatooyinkaas soo kordhey in dhibaato ba’an ku hayaan xoolo dhaqatada iyo beeraleeyda qeybo badan oo kamid ah Jubaland isaga oo timaamey in abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland ay yihiin kuwo u baahan gurmad caalami ah iyo gargaar deg deg ah oo ay helaaan dadka tabaalaysan.
Waxaa Madaxweynahu uu ugu baaqay Dhammaan Hay’adaha gargaarka iyo cid walba oo tageero ka gaysan karta dhibaatada taagan inay tahay hada xiliga ugu haboon ee gurmad deg deg ah loo baahan yahay.
Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa sheegay in Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ay wado dadaalo wax lagaga qabanayo xaalada hada taagan isla markana qiimaynta ay ilaa hada sameeyeen ay muujinayso in loo baahan yahay gargaar Caalami ah