Madaxweyne Dowlada Federaalka Somaliya oo warbaahinta la hadley xukunkii ICJ kadib

0
154

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boorriyay Kenya inay “ixtiraamto sharciga caalamiga ah” ka dib markii maxkamadda ugu sarreysa ee Qaramada Midoobay ay Soomaaliya u xukuntay inta badan bad-weynta gaaska hodanka ku ah ee Hindiya.

Khudbad uu ka jeedinayay telefishinka xukunka kadib, ayuu madaxweyne Farmaajo ku sheegay in Kenya ay tahay inay u aragto go’aanka maxkamadda inuu yahay fursad lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Xukunka ICJ ayaa ah mid kama dambeys ah oo aan racfaan laga qaadan karin, laakiin maxkamadda, oo la aasaasay Dagaalkii Labaad ee Adduunka ka dib si ay u xalliso khilaafaadka u dhexeeya dowladdaha Qaramada Midoobay ee khilaafyadu soo kala dhexgalaan.

Aag baddeedka loo xukumay Soomaaliya, ayaa la rumeysan yahay inay ku jiraan gaas iyo saliid badan. Sidoo kale waxaa ku jira kalluun badan oo muhiim ah.