Jaamacada carabta oo soo dhaweysay go’aankii maxkamada ICJ

0
84

War-murtiyeed kasoo baxay shirka Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa lagu soo dhaweeyay go’aankii Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ, kaas oo Soomaaliya loogu xukumay dhul-badeedkii ay Kenya ku muransanaayeen sanado badan, sidoo kalena looga hadlay doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale Warmurtiyeedka ayaa looga hadlay xaaladda amni iyo midda doorasho ee Soomaaliya, iyaga oo sheegay inay garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaannada Shirka ka qeyb galay ayaa sheegay in shirka sidoo kale diirada lagu saaray dagaalka ay dowladda kula jirto Ururka Al-Shabaab si guud ahaan dalka ay ula wareegtay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Baarlamaanka dalalka Jaamacadda Carabta ay shegeen inay dowladda Soomaaliya gacan ka siinayaan howlaha doorashooyinka ee haatan socda.