Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliyam Maxamed Xuseen Rooble oo xalay khudbad ka jeediyey munaasabad si weyn loogu maamusayey ergada Soomaaliya ee kiiska badda ayaa soo hadal qaaday doorashooyinka.
Rooble ayaa shaaca ka qaaday in si deg-deg ah loo guda-galayo doorashada xildhibaanada aqalka hoose, isla-markaana la bilaabayo todobaadka soo socda, sida uu hadalka u dhigay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in lagu hormari doono doorashada 46-da kursi ee gobollada ee waqooyi ku metalaya baarlamaanka soo socda, taas oo ka dhaceysa gudaha Muqdisho.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu arrintaasi kala hadlay guddoomiyaha aqalka sare iyo ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, ayna ku ballaan in la dadajiyo doorashadaasi.