Howlgalo ka dhacay magalada kismaanyo oo lagu soo qabqabtey xubno ka tirsan alshabab

0
79

Ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howl-gallo qorsheysan ka sameeyey xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga magaaladaasi.

Howl-galladan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska nabad sugida ee maamulka Jubbaland.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay nabad sugidda Jubbaland ayaa lagu shaaciyey in ciidamada ammaanka ay weli ku raad joogaan xubno kale oo la tuhusan yahay.

Hay’adda nabad sugidda Jubbaland ayaa sidoo kale baaq u dirtay shacabka Kismaayo, waxaana ay ka codsatay inay gacan siiyaan ciidamada ammaanka ee maamulkaasi.

Ugu dambeyn hay’adda qoraalkeeda kusoo gaba-gabeysay inay sii wadi doonto howl-gallada socda ee lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda halkaasi.