Sheekh Shariif oo hoygiisa kulan kula qaatey madaxwenaha maamulka hirshabele

0
126

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen sidii wanaagsaneyd ee uu hogaamiyay doorashadii xubnaha Aqalka sare ku matalaya Hirshabeelle, oo u dhacday si daahfuran.

Kulankani oo ka dhacay hoyga Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed waxaa diirada lagu soo saaray Arrimaha doorashooyinka dalka.