Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee Heer Maamul Goboleed ayaa Maanta waxaa ay Xaruntooda Magaalada Kismaayo ka bilaabeen diiwaangelinta musharixiinta Aqalka Sare ee Beri doorashadooda ay dhaceyso.
Ilaa 8 Musharax oo ku tartami doona Afarta kursi ee Maamulka Jubbaland uga harsan Aqalka Sare ayaa Maanta la diiwaanginayaa, waxaana Musharixii ugu horreeyay ee la diiwaangeliyay uu Maanta noqday Xasan Daahir Yaroow, halka Musharaxa labaad uu noqday Ibrahim Awgaab Cismaan.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland Dr. Siyaad Maxamed Mursal ayaa sheegay in Shaqada diiwaangelinta ay si caadi ah u socoto, wuxuuna ugu baaqay musharixiinta aan weli is diiwaangelin inay Xafiiaka Guddiga deg deg kusoo gaaraan.
Maanta ayaa Gudiga doorashooyinka ee Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ay soo geba-gabeynayaan diiwaangelinta Musharixiinta, kuwaas oo Beri doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Kismaayo.