Madaxweynaha kenya oo sheegay in uusan marnaba aqbali doonin xukunka maxkamada icj

0
129

Dowladda Kenya ayaa mar kale ku adkeysatay in xuduud -badeedka ay la wadaagto Soomaaliya uu ku socdo xarriiq dhanka bari ah oo laga soo bilaabo halka ay labada dal ku kulmaan ee Badweynta Hindiya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aysan Soomaaliya ku wareejin doonin taako ka mid ah dhulkeeda, isagoo iska indho tiray go’aankii maxkamadda ICJ kasoo baxay todobaadkii hore.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ka qeyb galayay maalinta halganka madax-bannaanida Kenya, ayaa sheegay in Kenya ay sideedii sano ee la soo dhaafay adkeysay ammaankeeda.

Arrintaan waxay ku soo beegmaysaa markii Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ay soo saartay xukun ay ku go’aamisay in soohdinta badda ee lagu muransanaa loo xukumay Soomaaliya.