Dowlada federaalka iyo mamul goboleeyada oo ka shirey xaaladaha bini’aadanimo ee ka taagan dalka

0
152

Wasaaradaha Gar-gaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Heer Federaal, Heer Maamul Goboleed iyo Gobolka Banaadir ayaa ka shiray xaaladaha Bini’aadannimo ee ka taagan qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay kasoo saareen Shirkooda oo ay guddoomisay Wasiirka Gargaarka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriyr ayaa waxaa ay ku sheegeen in kulanka lagu gorfeeyay xaaladdaha Bini’aadanimo ee kasoo cusboonaaday goobo badan oo dalka ah, waxaana goobjoog ahaa Wasiiradda Gargaarka ee Hirshabeelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed, waxaa aaladda Fogaan-Araga ama Zoom-ka uga qeyb galay Puntland, Jubbaland iyo Gobalka Banaadir.